4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 13, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo Kenya uga qeyb galaya caleemo saarka madaxweyne William Ruto
 

Talaado, September, 13, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb galaya caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Mudane William Ruto ayaa gaaray magaalada Nayroobi ee caasimadda dalkaas.

Madaxweynaha oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka gobolka iyo caalamka ee ka qeyb-galaya caleema-saarka Madaxweyne William Ruto ayaa waxaa si diirran loogu soo dhaweeyey gegida diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Kenya uga qeyb galidoona shir looga hadlayo arrimaha ganacsiga Qaadka ee Soomaaliya iyo Kenya.

Sida uu sheegay madaxweynaha Kenya, William Ruto, shirkaan ayaa looga hadlayaa arimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan tahay suuqa Qaadka.

Ganacsatada qaadka dhoofisa ee dalka Kenya ayaa ka cabanaysa in qidmad sare Soomaaliya ka qaado qaadka loosoo dhoofiyo, waana midda keentay in madaxweynaha Kenya uu la kulmo beeralayda Qaadka Kenya, una sheegay inay isdajiyaan.

William Ruto ayaa u sheegay ganacsatada Kenya inuu dalkiisa ku casuumayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh si uu ugala hadlo in wax laga bedddelo qidmadda laga qaado qaadka.