4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 12, 2022
Qarax xoogaan oo goordhaw ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose

Isniin, September, 12, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo jugtiisa laga maqlay in badan Xaafadaha degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa lasoo warinaya inuu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay suuqa Qudaarta degmada Afgooye, gaar ahaan goob ay ka fariisan jireen ciidanka dowladda ee suuqaasi Canshuurta ka qaada.

Qof goobjooge ahaa oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in qaraxa uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, hayeshee uusan xaqiijin karin inta uu dhan yahay khasaaraha rasmiga, maadama qaraxa uu dhacay goordhaw, waxaana qaraxa kadib goobta tagay ciidamo ka tirsan kuwa amaanka degnada Afgooye oo halkaasi baaritaano ka wada.

Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose waxaa inta badan ka dhaca qaraxyo, weeraro toos ah iyo waliba dilal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsado ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay fuliyaan dagaalamayaasha Al-shabaab.