4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 1 , 2022
Guddoomiye Xirsi: Sidaa loo socdo ayuu madaxweynuhu leeyahay sharcigan ilaalinayaa
 

Khamiis, September, 1, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa cambaareeyay, xadhiga salaadiin xukuumada Somaliland dhawaan xidhay, iyo dadkii lagu xidh xidhay mudaharaadkii 11 August.

Guddoomiyaha ayaa xidhiga salaadiinta ku tilmaamay mid baal marsan sharciga, dhaqanka iyo diinta, isla markaana waxa uu sheegay in qabashadooda aan loo marin nidaam sharci, isaga oo sheegay in ay ka xisbi ahaan cambaaraynayaan xadhigooda.

"Madax dhaqameedka la xidh xidhay ee folaad koodii la qab qabtay, sida runtii sharciga ka baxsan ee milgaha dhaqanka ka baxsan loo qab qabtay, iyada oo aan loo marin diriiqii sharciga ahaa, oo waaran loo goosan la xidhay, ee xad gudubka ku ah, dhaqankeena, sharcigeena iyo diinteena, aad iyo aad ayaanu u cambaaraynaynaa" ayuu yidhi Xirsi.

Xadhiga salaadiinta iyo dadkii lagu xidhi xidhay banaanbixii 11 August ayuu ku tilmaamay ayaan daro, isaga oo sheegay in madaxweynuhu isaga oo sharciga jabinaya uu leeyahay sharciga ayaan ilaalinayaa "Taa ay tahay ee sidaa loo socdo ayuu hadana madaxcweynuhu wuxu ina leeyahay sharcigii ayaan ilaalinayaa".

Salaadiin uu ugu caansanyahay Suldaan Axmed Cismaan Cadde-gudde, ayaa dhawaan xabsiga la dhigay, salaadiintan ayaa shacabka ugu baaqay in ay isu soo baxaan, oo ay dalbadaan doorasho.

Sidookale, qaar kamid ah dad boqol ka badan oo lagu xidh xidhay banaanbixii mucaaradka, ayaa wali xabsiyada ku jira, waxaana ilaa iyo hada lasiidaay 49 qof oo kamid ah.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]