4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 6 , 2022
Puntland oo soo dhoweysay howlgallada shacabku isaga xoreyayaan Alshabaab

Khamiis, October, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo dhoweeyay howlgallada dadka Soomaaliyeed deegaanadooda uga xoraynayaan Alshabaab, isagoo ku baaqay in lasii xoojiyo.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed isku duubni iyo midnimo ay uga gudbi karaan caqabadaha amni iyo xaaladaha dalku haatan ku sugan tahay. Deni wuxuu sidoo kale ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday qaraxyadii magaalada Baladweyne ka dhacay ee Shabaab ka dambeeyeen.

Wuxuu sheegay dadka ku nool deegaannada Shabaabku maamulaan inay ku sugan yihiin xaalad adag oo u baahan in la iska kaashado sidii wax looga qaban lahaa in la iska saaro shabaab islamarkaana laga shaqeeyo nabad galyada iyo horumarkooda.

Hadalka madaxweyne Deni ayaa kusoo aaday xilli ay Puntland cabsi weyn ka qabto in firxadka Alshabaab ee kasoo baxsanaya howlgallada ka socda bartamaha Soomaaliya ay usoo dhuuntaan dhinaca Puntland.

Dhawaana hay'addaha amniga Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen shakhsiyaad katirsan Shabaabka oo kasoo cararay Howlgallada xoraynta ee ka socda gobolada dalka.