4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 5 , 2022
Kooxda Al Shabaab oo sheegtay inay dagaal ku dileen Askar badan oo kamid ah Ciidamada Liyuu Booliska degaanka Soomaalida

Arbaco, October, 5, 2022 (HOL) - Kooxda Al Shabaab ayaa war ay maanta soo saareen ku sheegay in dagaal dhex maray iyaga iyo Liyuu Booliska degaanka Soomaalida lagu dilay Askar badan oo kamid ah Ciidanka Liyuu Booliska.

Warkan oo lagu baahiyay Warbaahinada ku hadasha Afka kooxda Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalku uu ka dhacay tuulada Qudhacle oo ka mid ah degaanka Washaaqo ee dhinaca xadka u dhaxeeya degaanka Soomaalida iyo gobolka Bakool Soomaaliya.

Tirada Ciidamada Liyuu Booliska ee lagu dilay dagaalkan ayay kooxda Al Shabaab ku sheegtay ilaa 50 Askari, oo ay ku jiraan Saraakiil Liyuu Boolis ah iyo dhaawacyo tiro badan, inkastoo Warbaahinta madaxa banaan aysan xaqiijin karin sheegashada Al Shabaab.

Sidoo kale kooxda Al Shabaab ayaa magac qaaday qaar kamid ah saraakiisha ay sheegeen in dagaalkan lagu dilay, sida Janaraal Saliid, Korneyl Dhigane iyo Korneyl Cabdirisaaq, balse ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara dilka Saraakiishan Liyuu Booliska ah, marka laga reebo Janaraal Saliid oo qaar kamid ah  xigtadiisu ay xaqiijiyeen dilkiisa.

Dhinaca Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida kamaysan hadlin warkan kasoo baxay Al Shabaab, balse geestooda waxay Warbaahinta shalay ilaa maanta la wadaageen inay guulo waawayn ka gaareen dagaalka shalay iyaga iyo Al Shabaab ku dhex maray xuduudda Itoobiya iyo Soomaaliya.

Sidoo kale xukuumadda degaanka Soomaalidu waxay sheegeen inay tuulooyin ka furteen Al Shabaab, iyagoo dhankooda soo bandhigay hub tiro badan oo ay ku sheegeen inay ka qabsadeen kooxda Al Shabaab.

Marka laga soo tago Sheegashooyinka kasoo kala baxaya labada dhinac, ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara wararkaasi kasoo kala baxaya Xukuumadda degaanka Soomaalida iyo Kooxda Al Shabaab.

Warkan kasoo baxay kooxda Al Shabaab ayaa kusoo hagaagaya xilli Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalidu ay sheegeen maalinimadii shalay in Liyuu Boolisku ay Al Shabaab kala wareegeen tuulooyin ay horey u degganaayeen kooxda Al Shabaab, khasaare laxaad lehna ugaysteen, waa siday hadalka u dhigeen Ciidamada Liyuu Boolisku.

Isku soo duuboo, dagaallada u dhaxeeya dowlad degaanka Soomaalida iyo Al Shabaab ayaa muddo qaboobaa, inkastoo dhinaca dowlad degaanka Soomaalida ay jireen ciidamo tiro badan oo lagu daabulayay dhinaca xuduudda, si ay u sugaan amniga xuduudaha oo aysan usoo tallaabin kooxda Al Shabaab.