4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 5 , 2022
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka todobaadka Shidaalka Afrika
 

Arbaco, October, 5, 2022 (HOL) - Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ka qeyb galay shirka todobaadka Shidaalka Afrika oo lagu qabtay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay dawlado, shirkado shidaal oo heer qaran iyo heer caalami ah, sahmiyayaal madax-banaan, maalgashadayaal, bulshada G&G, iyo adeeg bixiyayaasha.

Soomaaliya waxay leedahay kayd badan oo shidaal iyo gaas ah oo aan weli laga faa'iidaysan gudaha iyo baddaba. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhawaan ansixisay shuruuc iyo hab-maamuus ka dhex jira hay’adaha la xiriira shidaalka oo ay hoggaamineyso Wasaaradda Macdanta Shidaalka dowladda federalka.

Iyadoo ay jiraan dhammaan caqabadaha jira, ayaa wasiirka batroolka Soomaaliya wuxuu sheegay inay dowladdu waddo dadaallada ay ku dooneyso in Soomaaliya ay caalamka ugu soo bandhigto Shidaalka iyo Gaaska aan weli laga faa’iideysan.

Wasiirka batroolka Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray farriintiisa ka qaybgalka toddobaadka saliidda Afrika ee Cape Town- South Africa.

Waxaa isugu yimid wasiirada Shidaalka & Gaaska Afrika iyo in ka badan 400 oo maamulayaasha IOCs si ay uga wada hadlaan horumarinta tamarta.