4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 5 , 2022
Soomaaliya oo kaalinta labaad ka gashay tartanka caalamiga ah ee qur'aanka ee Turkiga ka dhacay

Arbaco, October, 5, 2022 (HOL) - Soomaaliya ayaa kaalinta labaad ka gashay tartanka caalamiga ah ee Qur'aanka Kariimka ah ee dalka Turkiga. Cabdiwahaab Qaasim Axmed oo ku tartamay soddonka jis ayaa galay kaalinta labaad.

Soomaalida ayaa safka hore kaga jirta dadka kaalmaha sare sannadkasta ka gala tartamada Qur'aanka, taasi oo muujinaysa sida ay ugu wanaagsan yihiin Qur'aanka kariimka ah.

Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa hambalyo iyo bogaadin udirtay Tartame Abdiwahab Kasim Ahmed oo dalka Soomaaliya ku matalay Tartanka Qur'aanka Kariimka Caalamiga ah ee Turkey.

Tartankan caalamiga ah ayaa ka bilowday magaalada bari ee Konya khamiisti, Sebtembar 29, ee todobaadkii hore.

Ali Erbas, oo ah madaxa Agaasinka Diinta ee Turkiga (Diyanet), ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in laga faa’ideysto kutubta qur’aanka kariimka ah, isagoo intaa ku daray in si mustaqbalka loo dhiso loo baahan yahay Kitaabka Quduuska ah.

Erbas waxa uu sheegay in Qur’aanka Kariimka ahi uu kala soocayo xaqa iyo baadilka, isla markaana uu yahay isha xaqa ah ee bara bani’aadamka ujeeddada loo abuuray.

Tartankan caalamiga ah ee qur’aanka kariimka ah waxaa ku tartamay saddex iyo lixdan xaafid oo ka kala socday 49 waddan.

Tartankan oo soo  socday ilaa 8-da bisha October, ayaa lagu dhawaaqay cidda ku guuleysatay, waxaana lagu abaal mariyay xaflad ka dhicday magaalada Ankara, waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.