4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 4 , 2022
Dowladda Soomaaliya oo guluf dagaal oo ka dhan ah Alshabaab ka billowday gobolka Shabeeladda dhexe
 

Talaado, October, 4, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa gobolka Shabeeladda dhexe ka billowday guluf dagaal oo ka dhan ah Alshabaab. Xildhibaanno barlamaanka katirsan iyo sarakiil ciiddan oo wato ciidamo aad u fara badan ayaa xalay ka guureeyay magaalada Muqdisho, iyagoo gaaray degmada Cadale.

Ciidamadan ayaa qorshahooda yahay inay xoreeyaan deegaannada Alshabaab kaga sugan yihiin gobolka Shabeellada dhexe, waxaana bartilmaameedkooda koowaad uu yahay inay xoreeyaan degmada Aadan Yabaal oo muddo ka badan 10 sano gacanta ugu jirta Alshabaab.

Shabeeladda dhexe waa meelaha ay aad ugu xooggan yihiin Alshabaab, waxayna haystaan dhul ballaaran oo ku teedsan illaa xeebta. Dhowr jeer ayay dowladdu isku dayday inay xorayso dhulkan balse kuma guulaysan.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday maalmo kadib dilkii taliyihii ciidanka Booliiska gobolka Banaadir, S/guuto Farxaan Qaroole oo ku geeriyooday howlgal lagu xoreeyay Basra.

Alshabaab ayaa sidoo kale saddex qarax oo waawayn ka geystay magaalada Baladweyne iyagoo ku dilay masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabeelle iyo dad shacab ah.