4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 31, 2022
Xaflad si weyn loo soo agaasimay laguna taageerayay walaalaha reer Hiraan oo lagu qabtay magalada Columbus Ohio
 


Isniin, October, 31, 2022 (HOL) - Xaflad taageero iyo dhaqalo ururin ah ayaa loo sameeyay shacabka reer Hiiraan ee dagaalada iyo la dagaalanka argagixisadu saameysay.

Inta baddan Hal doorka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Columbus ayaa ka soo qeybgalay waxaana soo abaabulay qaar kamid ah jaaliyada reer Hiiraan ee gobolka Ohio.

Inta baddan dadkii ka hadlay ayaa diirada saaray ahmiyada kulankan iyo in la muujiyo sida qurba joogtu ugu diyaarsantahay in ay dadkooda is garab taagaan islamarkaana ay u muujiyaan in ay xanuunka la qeybsanayaan.

Dowlada Soomaaliyeed iyo madaxda ayaa laga codsaday in la dardargaliyo howlaha ka dhanka ah Shabaab iyo in dadka laga dulqaado.

Waxaa Tuusaale wanaagsan oo taariikhda gali doonta lagu tilmaamay dadkii howshan bilaabay iyo kuwii ku dhintay ama hantidooda u huray.

Balan qaadka dhaqaale ee halkaasi laga sameeyay ayaa tusaale wanaagsan u ah qurbajoogta Soomaaliyeed ee Caalamka ku nool.

Waxay xuseen in halkaas aan looga hari doonin ee siyaabo kale dhaqaalo kale loo aruurin doono tan iyo inta dadku helayaan gurmad dhab ah.

Arimaha la xariira Abaaraha iyo ceelasha la aasay ayaa lagu tilmaamay musiibo biniaadanimo oo dhanka xoolaha iyo dadka la soo daristay.

Waxaa loo mahadceliyay cidwalba oo is garabtaagtay howlgaladan iyo shacabkii ku wax yeeloobay.

Deeqo Shire
Hiiraan Online