4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 31, 2022
Afhayeenka Kulmiye: Xisbigii yidhaa doorasho magalayo xaq ayuu u leeyahay
 

Isniin, October, 31, 2022 (HOL) - Afhayeenka xisbiga kulmiye ee haya talada Somaliland Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa sheegay in qabashada doorashooyinku anay u baahnayn in mucaaradka lagala heshiiyo.

Buuni waxa uu sheegay in doorashada sharci hago oo anay u baahnayn in axsaabta mucaaradka Somaliland lagala heshiiyo xiliga doorashooyinka la qabanayo iyo sida loo qabanayo.

"Doorashooyinka laguma heshiiyo qaanuunka uunbaa loo raacaa, qaanuunkana hay'addo ayaa qaabilsan jaran jarooyina wuu leeyahay, cidan ku qanacsanayn qaanuunka sharciga ayaa qabanaya" ayuu yidhi Afhayeen Buuni.

Buuni waxa uu sheegay in hadii axsaabta mucaaradku ay doorashada diidaan in anay cidna ku qasbaynin, waxa uu sheegay in xisbigii aan doorasho galaynin uu xaq u leeyahay oo urruraduba diyaar u yihiin in ay galaan.

"Anagu uma jawaabayno nin aan nin kii leh doorasho magalayo, ninkaan doorasho galayn isagay u taalaa, doorasho hadad tidhaa magalayo ood halkaa iska fadhiisato  dee urruro galaya oo diyaar ah ayaa jira, markaa xisbiga yidha doorasho ma galayo xaq buu u leeyahay" ayuu yidhi Afhayeen Buuni.

Isaga oo ka jawaabaya su'aal laga waydiiyay in axsaabta mucaaradku anay aqoonsan doonin madaxweyne Biixi marka mudadiisu dhamaato, ayuu sheegay in madaxweynaha Somaliland aanu aqoonsi uga baahnayn madaxda mucaaradka.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]