4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 31, 2022
Ciidamada Somaliland oo la wareegay deegaanka Boocame oo Garowe u jira 60km
 

Isniin, October, 31, 2022 (HOL) - Ciidamada militariga Somaliland ayaa saakay la wareegay degmada Boocame oo ka tirsan Gobolka Sool, sida ay HOL u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Ciidamadii maamulka Puntland ee ku sugnaa deegaankaas ayaa gebi ahaanba isagoo baxay, halkaas oo haatan ay fariisimo ciidan ka samaysteen cutubyo militari ah oo Somaliland katirsan.

Ma ahan markii ugu horraysay oo Somaliland ay la wareegto deegaanka Boocame oo Garowe u jirta 60km, ahaydna magaalada kaliya ee gobolka Sool ee ay Puntland sida tooska ah u maamulaysay.

La wareegidan cusub waxaa lasoo sheegayaa inay ka xooggan tahay sidii hore islamarkaana ay ciidamada Somaliland isku ballaariyeen Bocame.

Boocame ayaa kamid ah 37 degmo oo maamulka madaxweyne Deni uu sheegay in laga qabto  doorashooyinka dowladaha hoose ee qof iyo cod.