4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 31, 2022
Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo Maanta Toogasho ku fulisay Sadax Nin
 

Isniin, October, 31, 2022 (HOL) - Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa aroornimadii hore ee saakay xukun dil toogasho ah ku fulisay sadax ka mid ah Al-shabaab oo la sheegay iney ka dambeeyeen fulinta iyo fududeynta qaraxyo dad badan ay ku dhinteen.

Sadaxda nin ee toogashada saakay lagu fuliyay ayaa magacyadooda lagu sheegay Nuur Ibraahin Nuur Wayne, Xasan Cali Macalin Barre oo loo yaqiinay Boy iyo Isaaq Keerow Aadan, kuwaas oo dilkooda uu la xariiray qaraxyo ay ku dhinteen masuuliyiin iyo dad shacab u badan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho sanadkii 2018-kii.

Xasan Cali Barre Boy oo ka mid ah sadaxda ruux ee saakay la toogtay ayaa la sheegay inuu gawaarida qaraxyada lagu soo xiro uu dhigi jiray goobaha Al-shabaab u qorsheysay in ay qarxiso, waxaa si gaar ah loogu heystay qarax ka dhacay Suuqa Kaawa Godey Degmada Wadajir 26-11-2018-kii, waxaana ku dhintay 12 ruux halka ay ku dhawaacmeen 7 kale sida uu sheegay ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Maxkamada ciidamada Qalabka Sida Maxamed Cabdullaahi Khaliif.

Isaaq Keerow Aadan ayaa Maxkamada ciidamada sheegtay in lagu helay in uu qeyb ka geystay dilal qorsheysan iyo weeraro kala duwan oo dhacay gobolada, Sh/ Hoose, Banaadir iyo Hiiraan.

Nuur Ibraahim Nuur weyne oo sida la sheegay horay uga tirsanaa ciidamada gaarka ah ee Booliiska Soomaaliya, hayeshee sida maxkamaddu sheegtay laga saaray kadib markii uu lunsaday hub ay dowladdu laheyd, islamarkaana uu intaasi kadib kubiiray Al-Shabaab, waxaana la sheegay inuu ka dambeeyay qarixii lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii Amniga degmada Maxaas Rashiid Cismaan Cabdi.

Goobta toogashada ka dhacday waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo goobjoog ku ahaa fagaaraha Iskuul Buluusiya oo ku yaalla degmada Xamar jajab ee ee magaalada Muqdisho.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa todobaadkii hore xukuno dil toogasho ah ku fulisay ilaa 5 Nin oo uu ku jiray askarigii dilay Wasiirkii howlaha guud ee dowladii madaxweyne Farmaajo Cabaas Siraaji, halka kuwo kalena ay ahaayeen xubno ka tirsanaa Al-shabaab iyo Daacish.