4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 3 , 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay Baledweyne
 

Isniin, October, 3, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Maanta ku naf waayey qaraxyadii khasaaraha badan geystay ee ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale u rajeeyey dadka dhaawacyadu ay ka soo gaareen qaraxyadaii Maanta in uu Alle u boogo dhayo, isagoona Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay iney si deg deg ah ay dadkaasi ugu sameyso gurmad caafimaad.

Wuxuu sidoo kale sheegay madaxweynaha Soomaaliya in Al-shabaab looga awood badiyay dagaaladii lagula galay furumaha hore ee dagaalka, taas badalkeeda ay haatan door bideen in magaalooyinka ay ka fuliyaan falal muujinaya naf la caari nimadooda.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxyada argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Baladweyne waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan wuxu faray hay’adaha amaanka heer Federaal ee ku sugan Hirshabeelle iyo kuwa heer dowlad Goboleed, iney sare u qaadan feejignaantooda amni, kana hor tagaan falalka ay geysanayaan Al-shabaab, maadaama oo uu sheegay in lagu soo jabiyey furimaha dagaalka, islamarkaana lagala wareegay deegaano badan.

Gabagabadii Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan deegaanada Hirshabeelle in ay xoojiyaan midnimadooda iyo wadajirkooda, siina joogteeyaan la shaqeynta ciidamada Xoogga Dalka, si loo dhammeystiro xoreynta deegaannada ay Shabaab ka soo maleegaan weerarada qorsheysan ee noocaan oo kale ah.