4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 3 , 2022
Qaraxii Sadaxaad oo Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Baledweyne
 

Isniin, October, 3, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka dhacay qaraxii sadexaad oo Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in gaariga inta uusan qarxin in ciidamada dowladda ay rasaas kala hortageen gaariga kadibna uu ku qarxay inta u dhaxeysa Saldhiga Magaalada Baledweyne iyo Xerada Lamagalaay oo barqanimadii Maanta laba qarax oo Ismiidaamin ah ka dhaceen.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in qaraxaan oo ah kii sadaxaad inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac gaaray dad shacab ah oo ka agdhawaa goobta qaraxa ka dhacay oo ah bartamaha Baledweyne, hayeeshee lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay gaariga qarxay inta uu dhan yahay.

Madaxtooyada Hirshabeelle oo qoraal kooban barteeda Facebook soo dhigtay waxay sheegtay in qaraxan Ismiidaaminta ah ay fashiliyeen ciidanka, islamarkaana gaariga rasaas ciidanka kala hortageen, xili uu doonayay inuu gudaha u galo Xerada Lamagalaay kadibna uu qarxay gaariga.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.