4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 3 , 2022
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo sheegay inay dowladdu gacanta ku dhigtay guryo u kiraysnaa shabakad katirsan Alshabaab
 

Isniin, October, 3, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuuusf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in ciidamada sirdoonka ay la wareegeen shan guri oo u kiraysnaa shabakad katirsan kooxda Alshabaab.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in guryahan lagasoo saaray hub nuucyadiisa kala duwan leh. Sidoo kale wuxuu sheegay inay Alshabaab u adeegsan jireen qaab isbitaal ahaan ah, iyagoo ku daweyn jiray dhaawacyadooda.

Wuxuu sheegay guddoomiyuhu in gacanta lagusoo dhigay dadkii guryahaas ku sugnaa, isagoo sheegay in sharciga la marsiindoono.

Guddoomiyuhu wuxuu digniin u diray dadka shacabka ah isagoo u sheegay inay la socdaan dadka guryahooda ay ka kiraynayaan.

“Nimankaas arxaanlaawaayaasha ah ee gabbaadka uga dhiganaya meelaha qaarkood, waxaan u sheegaynaa dadka Soomaaliyeed inay guryahooda markii ay kiraynayaan ay ogaadaan cidda ay ka kiraynayaan nuuciyadeeda. Waa in la yaqaanaa cidda laga kiraynayo guriga oo la tagaa degmada,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Si kasta ha ahaatee, ciidamada NISA ayaa xalay ka fuliyay howgalkan, degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshiid, waxayna gacanta kusoo dhigeen shaqsiyaad, hub, qaraxyo iyo gaadiid kala duwan oo la rabay in lagu fuliyo weeraro ismiidaamin ah.