4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 3 , 2022
Qaraxyo Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Bartamaha Magaalada Baledweyne
 

Isniin, October, 3, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi ay ka dhaceen laba qarax oo Ismiidaamin ah, islamarkaana is xigxigay oo jugtooda laga maqlay guud ahaan xaafadaha magaalada Baledweyne.

Labada qarax ayaa lasoo sheegaya in loo adeegaaday laba baabuur oo mid ka mid ah yahay kuwa waa weyn ee xamuulka qaado, waxaana lasoo sheegaya iney ka dhaceen afaafka hore ee xerada Lama galaay ee magaalada Baledweyne.

Lama oga wali khasaaraha rasmiga ah ee dadka ku waxyeeloobay qaraxyadaan Ismiidaaminta ah ee goordhaw gilgilay dhamaan xaafadaha Magaalada Baledweyne ee xarunta Hiiraan.

Dad ka agdhawaa goobta qaraxyada ka dhaceen ayaa Shabakada HOL u sheegay in qaraxyadaani ay ahayeen kuwii ugu xoogana ee abid ka dhaca magaalada Baledweyne, islamarkaana khasaare badan sababeen qaraxyada dhacay, hayeeshee aysan ogeyn intabuu dhan yahay khasaaraha.

Lasoco faahfaahinta wararka.