4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 3 , 2022
Dowladda Soomaaliya oo maanta ka qeyb galaysa shirka shidaalka Afrika oo ka dhacaya Cape Town
 

Isniin, October, 3, 2022 (HOL) - Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka batroolka Soomaaliya, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa u ambabaxay dalka Koonfur Afrika si uu uga qaybgalo toddobaadka shidaalka Afrika.

Shirka todobaadka shidaalka Afrika oo isniinta maanta ah ka billaaban doona magaalada Cape town ayaa waxaa kasoo qeyb gali doona go'aan gaarayaasha tamarta ee dawladaha, shirkadaha tamarta caalamiga ah, shirkadaha sahaminta, maalgashadayaasha, iyo adeeg bixiyayaasha.

Toddobaadka shidaalka Afrika ee sanadkan waxaa ka soo qaybgeli doona in ka badan 1800 oo ergo, oo kala matalaya in ka badan 80 waddan, oo ay ku jiraan 30 wasiirro dawladeed, 150 wakiillo qaran, iyo 25 shirkado shidaal.

Munaasabadda sannadlaha ah waxaa loogu talagalay in lagu dhiirri geliyo horumarka waara ee Afrika, iyada oo toddobaadka Afrika 2022 diiradda lagu saarayo baahida Afrika si kor loogu qaado kobaca dhaqaalaha, horumarinta adeegga iyo ka saarista malaayiin muwaadiniina faqriga.

Qaybta tamarta Afrika ayaa weli wajaheysa caqabado waaweyn, iyadoo warbixin dhowaan la soo saaray ay xustay in baahida tamarta ee qaaradda Afrika ay khatar ku tahay inay ka sarreyso sahayda bannaanka.

Safarka wasiirka batroolka Soomaaliya ayaa kusoo aaday xilli uu muran badan ka taagan yahay heshiiska arrimaha shidaalka Soomaaliya.

Iyadoo dowladda Soomaaliya lagu eedeeyay inay shirkaddo shisheeye la gashay heshiis ku saabsan baarista shidaalka Soomaaliya.