4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 3 , 2022
Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay inay la dilay mid kamid ah hoggaamiyayaashii ugu sarreeyay Alshabaab
 

Isniin, October, 3, 2022 (HOL) - Hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka ayaa lagu dilay mid ka mid ah horjoogeyaashii ugu sareeyay Alshabaab.

Sida lagu sheegay warsaxafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta, sarkaal lagu magacaabo Cabdullaahi Nadiir oo ahaa madaxii dacwada ee Kooxda Alshabaab ahaana mid ka mid ah kuwii awoodda badan Alshabaab ayaa lagu dilay duqayn ka dhacday gobolka Jubbada Dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inuu sarkaalkaan horey usoo noqday madaxii shuurada iyo maaliyadda kooxda Alshabaab, wuxuu ka mid ahaa aasaaseyaasha kooxda Alshabaab.

Dowladdu waxay sheegtay inuu ahaa ninkii loo qorsheynayay inuu beddelo hoggaamiyaha Alshabaab Axmed Diiriye Cali oo la sheegay inuu xanuunsan yahay muddo sanado ah.

Sarkaalkan la dilay ayaa madixiisa waxaa saarnayd lacag, wuxuuna kamid ahaa kuwa ay sida wayn u doondoonaysay dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay inay ka go’an in la ciqaabo kuwa  ku hawlan dhagarta Shacabka Soomaaliyeed.