Jimco, October, 21, 2022 (HOL) - Wafdi balaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa goor dhawayd ka degay magaalada Garoowe ee dowlad goboleedka Puntland Soomaaliya.
newsinsideWafdigan Madaxwayne Mustafe Cagjar ayaa isugu jira masuuliyiin heer degaan iyo kuwo heer federal ah iyo waliba Odayaal dhaqameedka degaanka Soomaalida, waxaana garoonka diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhaweeyay Wafdigan masuuliyiinta u sarreysa maamul goboleedka Puntland oo u horreeyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Deni, iyo waliba qaybaha kala duwan ee Shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe.
Wafdigan ayaa sida wararku nagu soo gaarayaan waxay socdaalkoodu ku qotomaa sidii ay uga qayb gali lahaayeen munaasabadda xarig ka jarka dekedda Garacad ee oo lagu wado in berri oo Sabti ah xarigga laga jaro.
Dowlad degaanka Soomaalida iyo guud ahaan Itoobiya oon iyadu wax dekad ah lahayn ayaa la filayaa inay ka faa'iidaystaan dekaddan cusub ee haatan laga hirgaliyay Puntland.