4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 2 , 2022
Xaruntii ciidanka Booliiska gaarka ah ee Haramcad oo loo bixiyay Gen. Farxaan
 

Axad, October, 2, 2022 (HOL) - Taliyaha ciiddanka Booliiska Soomaaliya, Gen, Cabdi Xasan Xijaar, ayaa xarunta ciidamada Booliiska gaarka ah ee Haramcad ugu magac daray allaha u naxariistee S/guuto Farxaan Qaroole, taliyihii ciidanka Booliiska gobolka Banaadir, oo ku geeriyooday qarax miino oo Alshabaab kula eegteen tuulada Basra ee gobolka Shabeellada dhexe.

Taliyaha ciiddanka Booliiska Gen. Xijaar oo soo saaray war qoraal ah ayaa sheegay in lagu maamuusay marxuum Farxaan Qaroole, si loogu xasuusto geesinimadiisii iyo dhaxalkii wanaagsanaa ee uu ka tagay.

“Iyadoo lagu maamuusayo geesigii hore ee ahaa taliyaha ciidanka Booliiska gaarka ah ee Haramcad, sarreeyo guuto, Farxaan Maxamuud Aadan, waxaa lagu magac daray xarunta ciidanka gaarka ah Haramcad ee sarreeyo guuto Farxaan,” ayuu yidhi taliye Xijaar.

Allaha u naxariistee, taliye Farxaan Qaroole ayaa ahaa sarkaal dhalinyaro ah oo dadaalkiisa iyo kartadiisa ay aad ugasoo dhexmuuqatay hay’adaha amniga ee dowladda.

Wuxuu qeyb lixaad leh kasoo qaadatay dagaalka Alshabaab looga xoreeyay dhul badan. Wuxuuna ku helay darajooyin ciidan iyo xilal kala duwan oo uu ugu dambeeyay taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Banaadir.