4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 2 , 2022
Xisbiga UCID oo kasoo horjeestay muddo kordhinta Madaxweynaha Somaliland
 

Axad, October, 2, 2022 (HOL) - Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa sheegay in anay jirin sabab sharci oo mudada loogu kordhiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isagoo sheegay in ay dhacday muddo kordhin aan laga wada tashan.

Guddoomiyaha xisbiga Faysal Cali Waraabe, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa, sheegay in doorashada madaxtooyada dib loo dhigi karo kali ah, hadii ay jirto amaan daro ama ay abaaro jiraan.

"Shalay wixii ay gaadheen guurtidu waa fitno, sharci maaha, duruufo lagu kordhiyo oo dalka ka taagan sida abaaro iyo dagaalo ma jiraan, duruufta kali ah ee ka taagani waxay ahayd dib u dhaca, dib u dhacana koomiishanka ayaa xaq u leh habraacii ayay soo sameeyeen" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu sheegay xiliyadii hore marka muddo kordhinta la samaynayo, laga wada tashan jiray oo dood la galin jiray, lakiin kordhinta madaxweyne Biixi loo sameeyay aan laga watashan oo aan iyaga laga talo galin, wuxuuna ku sifeeyay fitno umada lagu soo dhex tuuray.

Waxa uu sheegay in kordhinta labada sanno ah ee madaxweynaha loo sameeyay anay ahayn wax Somaliland ka socon doono, wuxuuna si lamid ah xisbiga Waddani sheegay in labada xisbi ee mucaaradka ahi aqoonsan doonin xukuumada wixii ka danbeeya 13 November.

Waxa uu intaa ku daray in ay qaadi doonaan talaabooyin ay kaga hortagayaan muddo kordhinta madaxweyhaha, talaabooyinkaas oo ay gadaal ka sheegi doonaan.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]