4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 2 , 2022
Markab laga leeyahay Maraykanka oo keeni doona Soomaaliya qamadiga Ukraine
 

Axad, October, 2, 2022 (HOL) - Markab u kireysan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada Adduunka (WFP) ayaa soo gaaray dekadda Chornomorsk ee Badda Madow ee Ukraine.

Markabkaan ayaa wuxuu Soomaaliya geyn doonaa Qamadi Yukreeniyaan ah, sida ay sheegtay wasaaradda kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka Ukraine.

Ukraine ayaa horay ugu rartay sarreenkeeda dalalka Itoobiya, Yemen iyo Afgaanistaan iyadoo la raacayo barnaamijka cuntada adduunka ee WFP.

Dhoofinta badarka Ukraine ayaa hoos u dhacday tan iyo bilowgii dagaalka Ukrain, sababtoo ah waxaa la xiray marinka shixnada dekedaheeda ee Badda Madow.

Waxay taasi sare u qaaday qiimaha cunnada adduunka. Waxayna welwelka ugu weyn ku abuurtay dalalka Afrika iyo Eeshiya oo ay abaaaruhu ba’ani ka jiraan.

Bartamihii sannadkan, heshiis dhexmaray dowladdaha Ruushia, Ukrain iyo Turkiga ayaa la isku raacay in xayiraada laga qaado dhoofinta Qamadiga Ukraine.