4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 2 , 2022
Soomaalida iyo Oromada oo wali ku dagaallamaya degmada Gurra dhaamoole ee dowlad degaanka Soomaalida
 

Axad, October, 2, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in wali uu socdo dagaalkii ka socday degmada Gurra dhaamoole ee gobolka Liiban, kaas oo u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromada.

Wararku waxay intaa ku darayaan inay jirto khasaaro ka dhashay dagaalladan, inkastoo aan wali faahfaahin dheeraad ah laga helin dagaalladan maadaama ay go'an tahay isgaarsiintii degmadaas.

Waxa kale oo ay wararku sheegayaan inay jiraan guryo ku yaal degmada Gurra dhaamoole oo la gubay, iyo barakac xooggan oo dadku goobahay dagaalladu ka socdaan ka barakacayaan, iyadoo dadka degaankaasina ay arrintaas ku eedeynayaan maleeshiyaad ka tirsan Oromiya.

Soomaalida iyo Oromada ayaa inta badan waxay wada degaan degmooyin dhaca xuduudda labada degaan ee Soomaalida iyo Oromada, waxayna colaaddani ka dhalatay dhul ku yaal xuduudda degaannada labadaasi qowmiyadood, oo inta badan muran iyo dagaallo badan ay ka dhasheen xilliyo kala duwan.

Labada maamul oo Soomaalida iyo Oromada ayaan wali ka hadlin dhibaatada ka taagan degmada Gurra dhaamoole ee gobolka Liibaan ee dowlad degaanka Soomaalida.