4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 2 , 2022
Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika
 

Axad, October, 2, 2022 (HOL) - Wararka imaanaya magaalada Cape town ee dalkaasi Koonfur Afrika ayaa sheegaya in halkaasi dilal loogu geystay muwaadiniin Soomaaliyeed oo goobo ganacsi ku lahaa deegaanka Guguleti oo ka mid ah degaanada hoostaga Cape town.

Muwaadiniinta la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Allah u naxariistee Cabdikariin Cabdullaahi Maxamuud iyo Cabdullaahi Dheere, waxaana dilalkooda geystay burcad hubeysan oo ku weeraray goobahooda ganacsi oo an sida u kala fogeen oo ay ku lahayeen geegaanka Guguletu ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Burcada geysatay dilka labadaan muwaadin ayaa isaga baxsaday goobta ay ku dileen labada Marxuum, waxaana halkaasi meydadkooda ka qaaday muwadinin kale oo Soomaaliyeed oo goobo ganacsi ku lahaa deegaanka lagu dilay laba Marxuum.

Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa sida caadada u aheyd tagay goobta dilalka ka dhaceen , waxaana ay sheegeen inay wadaan baaritaano lagu baadi gaabayo burcadii hubeysneyd ee goobta ka baxsatay, hayeeshee lama sheegin wax natiijo ah oo kasoo baxay howlagalada ay sameeyaan Booliska dalkaas.

Wadanka Koonfur Afrika waxaa inta badan ka dhaca falal Dil, Dhaawac iyo dhacba isugu jira oo loo geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaasi ku leh dukaamada ganacsi, mana jirto talaabo is badal ah oo ay dowladda dalkaasi uga hortageyso dhibaatooyinkaasi marwalba loo geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u ganacsi tagay dalkaasi.