4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 1 , 2022
Guddoomiye Jeyte "Walaahi Bilaahi Maanta kadib uma sabri doono shaqsiyaadka ku howlan fashilinta howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab"
 

Sabti, October, 1, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ka hadlay sababaha keenay in Maanta ciidamada iskaashanaya ay dib uga soo baxaan degmada Moqokori iyo deegaanka Yasooman iney aheyd mid ay ka shaqeyeen dad gaar ah oo ku dhexjira ciidanka oo doonaya fashilinta howlgalada ka socda deegaanada gobolka Hiiraan.

Wuxuu sheegay in howlgalada haatan ka socda Hiiraan ee lagula dagaalamayo Al-shabaab inay marayaan meel wanaagsan, islamarkaana loo baahan yahay xaqiijinta nabad galyada iyo guulaha laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab, islamarkaana gacan bir ah la isaga qabto dadka ku dhex jira ciidanka ee ka shaqeynaya fashilka howlgalada.

"Waxaan fariin adag u diraya cid walbo oo ka shaqeysa barobogaandada iyo fashilinta dadaalada Howlagalka ka dhanka maleeshiyada Al-shabaab midaas oo ah dhaqan Shabaab ay maal geliso, Walaahi Bilaahi Maanta kadib uma sabri doono shaqsiyaadka arintaasi ku howlan ee haka wantobaan, hadii kale waxan u sheegaya inay noola mid yihiin Shabaab horay iyo gadaalna horay baa noo dhaw ee yaan dib loo noqon" ayuu yiri Guddoomiye Jeyte.

Hadalka guddoomiye Jeyte ayaa imaanaya xili ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ay saakay aroornimadii hore isaga baxeen deegaanada Moqokori iyo Yasooman ee gobolka Hiiraan, halkaas oo maalmo kooban ka hor ay kala wareegeen Al-shabaab, waxaana Maanta markale dib ula wareegay deegaanadaasi Al-shabaab.