4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 1 , 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh: Farxaan Qoroole wuxuu ahaa geesi ay ka go’anayd in uu Shabaab ka xoreeyo dalkiisa
 

Sabti, October, 1, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masjidka Shuhadada ee madaxtooyada kaga qeyb galay salaadda Janaasada taliyehii qaybta guud ee boliiska gobolka Banaadir, Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan oo ku geeriyooday dagaalkii kadhacay deeganno ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in Marxuum Farxaan Maxamuud Qoroole uu ahaa geesi ay ka go’anayd in uu Shabaab ka xoreeyo dalkiisa, wuxuuna sheegay inuu noqday halyay u shahiiday isagoo haya jidka sharafta badan.

“Dadka Soomaaliyeed maanta waxa ay leeyihiin hal cadow oo ay tahay in ay cudud iyo caqliba u mideeyaan. Caqli saliim ah ma ahan in aynu aqbalno ficilladooda gumaadka ah. Qofkasta oo Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah in uu doorkiisa ka qaato dagaalka ka dhanka argagixisadaas,” ayuu yidhi madaxweyne Xasan Sheikh.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay damiir xumo tahay ganacsatada hantidooda sida baadda ah u siiya  Alshabaab, taasoo uu sheegay inay ku maalgeliyaan dhagarta ay Alshabaab ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed ee birmi-gaydada ah.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in aysan dowladdu aqbalayn arrinkaas,  islamarkaana lala xisaabtami cid kasta oo Alshabaab ku maalgalisa dhaqaale ama siyaabo kale ula macaamisha.