4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 1 , 2022
Askar ka tirsan ciidanka dowladda oo ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay nawaaxiga degmada Balcad
 

Sabti, October, 1, 2022 (HOL) - Inta la xaqiijiyay shan askari oo ka tirsan ciidanka Nabadsugida Soomaaliya ayaa geeriyootay sideed kalana dhaawacyo culus ayaa soo gaaray, kadib markii uu la rogmaday gaarigii ay saarnayeen oo ahaa nooca Soomaalida u taqaano Cabdibilaha.

Gaariga Cabdibilaha ayaa askarta kula rogmaday nawaaxiga degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe oo aheyd halka la sheegay inay kusii jeedeen, iyagoo ka baxay magaalada Muqdisho waxaana askarta dhaawacantay dib loogu soo celiyay gudaha magaalada Muqdisho oo haatan lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Rogmashada gaariga ayaa loo sababeeyay wadaha gaariga oo la sheegay inuu gaariga ku waday xawaarahii ugu dambeeyay ee gaari lagu kaxeeyo, taasoo keentay in gaariga dhamaantiisa uu halmar wadada ka baxo.

Degmada Balcad oo aheyd goobta askartan ay kusii jeedeen ayaa la tilmaamay in halkaasi dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay uu ku sugan yahay Taliyaha Nabadsugida Qaranka Mahad Maxamed Salaad oo la sheegay in halkaasi uu ka wado abaabulka dagaal ka dhan ah dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab ee la sheegay in howlagalada Muqdisho ay ka geystaan kasoo abaabulaan deegaanada labada Shabeelle.