4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 6 , 2022
Axmed Karaash iyo taliyayaasha hay'adaha amniga Puntland oo caawa Garowe kaga shiray xaaladda Boocame
   
Axad, November, 6, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha madaxweynaha, Axmed Cilmi Cismaaan (Axmed Karaash), ayaa caawa isugu yeeray guddiga amniga Puntland, isagoo kala shiray xaaladda amniga, gaar ahaan deegaanka Boocame oo Somaliland ay soo dhoobtay ciidamo fara badan.

Guddiga amniga waxay yeesheen kulan saacado qaatay oo albaabada u laabnaayeen. Xogo aan helayno waxay sheegayaan in laga wada tashanayay tallaabada ay Puntland kaga jawaabayso qabsashada Somaliland ee Boocame, oo ahayd magaalada kaliya ee gobolka Sool oo ay Puntland maamulaysay.

Boocame oo magaalada Garowe u jirta 60km qabsashadeeda waxay Puntland ku tahay dhabar jab weyn, waxayna kamid tahay 37 degmo oo ay Puntland u qorsheysay inay sanadka dambe ka dhacaan doorasho qof iyo cod ah oo golaha deegaanka ah.

Dhinaca kale, sarkaal Somaliland katirsan oo warbaahinta kula hadlay Boocame ayaa ku goodiyay inay gebi ahaanba gubayaan deegaankan Boocame haddii Puntland ay doorasho ka qabto. Wuxuu sheegay inay hub waawayn magaalada soo galiyeen.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamo iyo gaadiid dagaal oo ay Puntland gaysay jiida hore Boocame iyo ciidamada Somaliland ee deegaankaas la wareegay ayaa laga cabsi qabaa inuu dagaal ka dhex qarxo.

Puntland ayaa horey gacanteeda uga baxday degmada Tukarraq ee gobolka Sool, sannadkii 2018. Sidoo kale sannadkii 2007 waxaa gacanteeda ka baxday magaalada Laascaanood.