4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 6 , 2022
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in 21 ka mid ah dagaalamayaasha Shabaab lagu dilay Sh/hoose
 

Axad, November, 6, 2022 (HOL) - War saxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya howlgalo qorsheysan oo ay ka sameyeen deegaanka Galka Saalimoow oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Howlagalka ciidanka NISA ay ka sameeyeen deegaanka Galka Saalimoow ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii ciidanka ay heleen xog la xariirta in dagaalamayaal ka tirsan Shabaab ay isku aruursanayeen deegaankaasi.

Warsaxafadeedka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka inta uu socday lagu dilay 21-xubnood oo mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab, laguna dhaawacay 10 kale, islamar ahaantaana howlgalka uu ahaa mid sidii loo qorsheeyay u dhacay oo looga hortagay dhamaan qorshihii Al-shabaab u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in afartii maalmood ee u dambeeysay Al-shabaab laga dilay ku dhawaad 200 oo ka mid ah dagaalamayaashooda.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeed oo dhameystiran:-