4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 6 , 2022
Urrurada ka gudbay tartankii madax taabshada urrurada siyaasada Somaliland oo lagu dhawaaqay
 

Axad, November, 6, 2022 (HOL) - Guddida Furista iyo Ansixinta Urrurada Siyaasada Somaliland, ayaa ku dhawaaqday in 9 urrur siyaasadeed ay kasoo gudbeen tartankii madax taabashada kunka qof oo lagu kala saarayay 14 urrur.

Urrur siyaasadeedyada kasoo gudbay tartanka madax taabashada kunka qof, oo urrur walba laga rabay in uu ugu yaraan kun qof ka helo gobol kasta, ayay guddidu ku dhawaaqday in ay kasoo gudbeen urrurada kala ah Kaah, Shacabka, Waaberi, Hillaac, Rejo, Barwaaqo, Mideeye, Ogaal iyo Horseed.

Dhinaca kale, urrurada kala ah Iftiin,Talo-wadaag, Ubax, Daljir iyo Miisaan, ayaa ku hadhay tartankii madaxtabaashada, waxayna ku guuldaraysteen in ay gobolada oodhan ka wada helaan tirradii la rabay.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka guddida furista iyo ansixinta urrurada siyaasada:-



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]