4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 6 , 2022
Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo ka warbixiyay qaraxii Ismiidaaminta ee Xalay ka dhacay Xerada tababarada ciidanka xoogga

Axad, November, 6, 2022 (HOL) - Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay qarax Ismiidaamin ah oo fiidnimadii Xalay uu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha oo ka dhacay afaafka hore ee Xerada tababarada ciidanka xoogga dalka ee Jenaraal Dhaga badan oo ku taala degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ruuxa is qarxiyay uu doonayay inuu dhexgalo tiro dhalinyaro ah oo halkaasi u joogtay iney qortaan ciidanimo, hayeeshee uu qarxay ka hor inta uusan soo dhexgalin dhalinyarada.

Jugta qaraxa Ismiidaamiyaha ayaa laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaana Taliye Odawaa uu xaqiijiyay in qaraxaasi ay ku dhinteen 5 qof oo isugu jiray askar iyo dhalinyaro, ayna ku dhaawacmeen 11 qof oo kale.

Qaraxaan Xalay ka dhacay Xerada tababarada ciidanka xoogga dalka ee Jenaraal Dhaga badan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo 29-kii bishii lasoo dhaafay qaraxyo waa weyn oo dad badan ku dhinteen ay ka dhaceen afaafka hore ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo ku taala laami yaraha Soobe, waxaana ku dhintay qaraxyadaasi dad ka badan 110 ruux iyo dhaawaca 300 oo ruux oo wali qaarkood jiifaan Isbitaalada Muqdisho, qaarna dibada loo qaaday.

Si kastaba ha ahaatee kooxda Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore waxay sidaan oo kale qaraxyo ismiidaamin ah la beegsatay xerada nacnaca oo lagu tabbabaro ciidanka Xoogga dalka ee loogu magac daray Jenaraal Dhaga badan.