4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 5 , 2022
Jenaraal Caanood "Deegaanka Ceelhareeri ciidankeenu wuxu ku arkay arrin yaab leh oo aan horey noo soo marin"
 

Sabti, November, 5, 2022 (HOL) - Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdullaahi Cali Caanood oo shalay shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin dheeraad ah waxa uu ka bixiyay dagaalkii Cuslaa ee maalin ka hor ka dhacay deegaanka Ceelhareeri ee gobolka Hiiraan.

Afhayeenka ayaa warbaahinta ka hor sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka markii ay gudaha u galeen deegaanka Ceelhareeri ay la kulmeen dhacdo la yaab noqotay oo uu ku sheegay in ciidamada iskaashanaya ay difaacyadii Shabaabka laga saaray ugu tageen meydadka dhalinyaro toban toban isugu xiran oo bam lagu qarxiyey, iyadoo qaarkoodna ay rasaas ku tiilay, isagoo arintaasi ku tilmaamay inay cadeyneyso in la soo raafay dhalinyaradaasi.

"Ciidamada xoogga dalka waxay ku arkeen deegaanka Ceelhareeri arrin la yaab leh oo aan horey noo soo marin dhalinyarada maleeshiyada Al-Shabaab oo toban toban ka tiinad ugu xiran tahay xabadduna ku wada taalo qaarna bam lagu qarxiyay ay ku dhinteen, ayay ugu tageen difaacyada shabaab, taasina waxay daliil u tahay dadka inay soo raafeen oo ay soo qasbeen oo laga cararayo oo qof walba rabo inuu ka cararo, maadaama ay qasbayaan” ayuu yiri Jenaraal Cabdullaahi Cali Caanood

Wuxuu intaasi ku daray Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya in tirada boqolaalka ee Shabaab looga dilay dagaalkii ka dhacay Ceelhareeri ineysan wada aheyn dhamaan dagaalamayaasha Shabaab oo ay ka qeyb ka ahayeen dhalinyaro lasoo raafay, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Arrinta ka dhacday Ceelhareeri waxay muujineysa boqolka qof ka badan ee dhintay ineysan wada aheyn Al-Shabaab” ayuu yiri Jenaraal Caanood.

Shalay ayay aheyd markii Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ay shaacisay in dagaalkii ka dhacay Ceelhareeri lagu dilay in ka badan 100 dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab.