4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 5 , 2022
Turkiga iyo Ruushka oo ku heshiiyay in si lacag la'aan ah dalal ay Soomaaliya kamid tahay loo gaarsiiyo raashin Haruur ah

Sabti, November, 5, 2022 (HOL) - Wadamada Ruushka iyo Turkiga ayaa heshiis ku gaaray in si lacag la’aan ah loo gaarsiiyo raashin Haruur ah dalal ay ka mid yihiin Jabuuti, Soomaaliya iyo Suudaan, sida uu sheegay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan

“Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin waxa uu ii sheegay intii aan ku wada hadalnay taleefoonka in aan lacag la’aan haruurka ugu dirno dalal ay ka mid yihiin Jabuuti, Soomaaliya iyo Suudaan, waan ku heshiinnay,” ayuu Erdogan ku yiri khudbad uu ka jeediyay telefishinka dalkiisa.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay inay hubin doonaan in maraakiibta badarka ay gaaraan dhammaan dalalka u baahan, gaar ahaan Soomaaliya, Jabuuti iyo Suudaan, oo la daalaa dhacaya cunto yari iyo macaluul daran.

Ruushka ayaa ku soo laabtay heshiis haruurka toddobaadkan kaas oo u oggolaanaya maraakiibta Ukraine inay soo maraan Badda Madow.

Heshiiskii bishii Luulyo oo ay garwadeen ka ahaayeen Qaramada Midoobay iyo Turkiga ayaa dib u cusboonaysiin lagu wadaa 19ka November, saddex maalmood ka dib shirka G20 ee lagu soo gabagabeynayo magaalada Bali.

Heshiiska ayaa dhigayay in dalka Ukraine lagasoo daabulo raashinka Haruurka si loo gaarsiiyo dalalka ay saameeyeen abaaruhu ee Aasiya iyo Afrika. Turkiga ayaa dhankiisa damaanad qaaday amniga maraakiibta isticmaalaysa badda madow.