4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 4 , 2022
Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo la wareegay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe
 

Jimco, November, 4, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka oo is garabsanaya ayaa Maanta la wareegay deegaano badan hoostaga degmada  Aadan Yabaal iyo Run nirgood ee gobolka Sh/dhexe.

Ciidamada iskaashanaya oo ay hoggaaminayaan Xildhibaan Yuusuf Kabaale iyo Xildhibaan Cismaan Xaadoole ayaa la wareegay ilaa lix deegaan oo hoostaga Aadan yabaal iyo Ruun nirgood ayaa kala ah Cadcadeey, Cadaan laxeey, Nuur Dugle, Maxaad Siciid, Booska Xasan Geedi iyo Ceelka Maraweyne, kuwaas oo ay Xildhibaanadu sheegeen iney Al-shabaab isaga carareen oo aysan kala kulmin wax iska caabin ah.

Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo warbaahinta u waramay ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay haatan ku dhaw yihiin degmada Aadan Yabaal ayna ku sugan yihiin meel u jirta 9 KM.

"Waa soo dhamaatay oraahdii aheyd ciidamada Mudullood way soo dil diloomayaan ee uu dhawaan sheegay Xildhibaan Sanbaloolshe, hadalka Xildhibaanka waxa uu ahaa dhiiragalin qofka walaalkiis kula hadlo waana qaadanay dhiiri galin tiisa, qorshaheynana  waa inaan socono oo an qabano ilaa  degmooyinka Ceeldheer Masagawaay" ayuu yiri Xildhibaan Kabaale.

Howlgalkaan Maanta ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay kula wareegeen deegaanada ka tirsan Sh/dhexe ayaa imaanaya, kadib markii uu dhawaan Xildhibaan Sambaloolshe oo ku sugan furimaha hore ee dagaalada ka socda Hiiraan uu ku eedeeyay ciidanka iskaashanaya ee ku sugan Masaajid Cali Gaduud iney ka gaabiyeen dagaalada ka dhan ah Al-shabaab.