4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 3 , 2022
Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka oo la wareegay deegaano 20km u jira Aadan Yabaal

Khamiis, November, 3, 2022 (HOL) - Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ay xorreeyeen deegaanada Xawaar Xuseen iyo Qurac dheere,  oo wax ka yar 20km u jira degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeeladda dhexe.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga, Gen. Cabdullaahi Caanood ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in deegannadan ay ahaayeen labo dhufays oo Alshabaab ugu talo galeen inaan laga soo weerarin magaalada Aadan Yabaal.

“Waxay ahaayeen labo dhufays oo waawayn oo cadowgu ugu talo galay inaan Aadan Yabaal dhanka Hiiraan looga imaan. Labadii dhufays waan ka qabsanay, waxayna isku jiraan 5km. Waa deegaan muhiim ah. Waxay Aadan Yabaal u jiraan 18km,” ayuu yiri Gen,  Caanood.

Gen. Caanood wuxuu sheegay in labo askari oo katirsan ciidamada dowladda ay ku dhaawacmeen intii uu socday howgalkan. Wuxuu kaloo sheegay khasaaraha Alshabaab inay dib kasoo sheegidoonaan.

Howlgalkan oo dhacay shalay galab iyo xalay ayaa kusoo aaday xilli maanta dagaal culus uu ka socdo deegaan Garas Magan oo dhaca inta dhaxeeysa Moqokori iyo Aadan Yabaal.