4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 29, 2022
Wasiir Aadam Aw-Xirsi oo ka hadlay sida ay ugasoo badbaadeen weerarkii hotel Rays

Talaado, November, 29, 2022 (HOL) - Wasiiru dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee xukuumadda Soomaaliya, Aadam Ibraahim Aw-Xirsi oo kamid ahaa masuuliyiintii kasoo badbaaday weerarkii lagu qaaday Rays hotel, ayaa ka hadlay qaabkii ay ugasoo baxeen hotelka, kadib markii uu weerarka ku bilowday.

Wasiirka ayaa sheegay in masuuliyiin uu kamid ahaa markii uu qaraxu dhacay in ay u carareen labo albaab xiran oo kuyaala dhinaca dambe ee hotelka, isagoo sheegay inay jebiyeen oo ay mid mid uga baxeen.

“Markii qaraxu dhacay oo uusan bilaaban weerarka tooska ah, waxaanu dadkeenii masuuliyiinta ahaa aadnay albaab dambe. waynu jebinay. Waxaa inoo furmay ilin uu qof kaliya ka bixi karo. Hal hal ayaan uga baxnay si aan isugu buuran. Dabadeed waxaanu galnay xayndaabka qabuuro caan ah. Dhinac ayaan daraf isaga jiidnay. Xabbad ayaa markaas socota. Dadkii aan nasiibka u helin inay soo haleelaan dariiqaan, ayay xabbadu ku socotaa. Anaggana markiiba albaab kale ayaa sii jebinay waxaana ku dhamaanay guriga guddoomiyaha Senatka,” ayuu yiri wasiir Aadam Aw Xirsi.

Wuxuu sheegay dadka ugu badan ee lagu laayay hotel inay ahaayeen dadkii qolalka shirka ku jiray iyo kuwo ku sugnaa barxadda u dhow albaabka qaraxu ka dhacay.

Wasiir Aadam wuxuu sheegay inuu hotelka ka socday shir ay uga arrinsanayeen xaaladda gobolka Gedo. Shirkaas wuxuu tilmaamay inay isugu yimaadeen siyaasiyiinta dowladda, aqoon-yahananda iyo ganacsatada kasoo jeeda gobolka Gedo.

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku geeriyooday weerarkaan, sida ay dowladdu sheegtay, waxaana lasoo afjaray shalay galinkii dambe kadib 18 saacadood oo uu socday.

Alshabaab ayaa sheegatay inay ka dambeeyeen.