4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 29, 2022
Qoys ka koobnaa shan ruux oo dil wadareed loogu geystay gobolka Shabeeladda dhexe

Talaado, November, 29, 2022 (HOL) - Dad isku qoys ah oo ka koobnaa illaa shan ruux ayaa xalay dil wadareed loogu geystay deegaan hoos yimaada degmada War Sheikh ee gobolka Shabeellada dhexe arrima la xariiro aanooyin qabiil.

Qoyskan oo dil wadareedka loogu geystay tuulada Xaluule ee degmada Warsheekh, ayaa waxay ka koobnaayeen shan ruux oo lagu kala magacaabo, Safiyo Sheekh Abuukarow, walaalkeed Abuukar Iidow, abtigeed Sheekh Muxumed Sheekh Cabdi Celi iyo ayeeydeed Sangaabo Maxamuud Xuseen, iyada oo dilka kadib ay goobta ka baxsadeen raggii hubeysnaa ee dilka geystay

Sida wararku sheegayaan aanada qabiil ee loo dilay dadkan ayaa qeyb ka ahayd colaad dhextaala beelo walaalo ah oo dhawaan ku diriray aagga degmada Cadale.

Falkaan ayaa dhaawac u geysanaya heshiiskii nabadeed ee dhawaan lagasoo saaray colaaddan, iyo dadaaladii madaxweyne Xasan Sheikh uu ku bixiyay in la heshiisiiyo labadan beelood walaalaha ah.

Deegaannada colaaddu ka jirtay ayaa laga dareemayaa saan saan colaaadeed, iyadoo laga cabsi qabo in mar kale ay dib u qarxaan iska hor imaadyadii u dhaxeeyay maleyshiyaadka labada beel.