4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 28, 2022
Axmed Madoobe: Reer Hiiraan iyo gobolada kale kuma fiirsan karno dagaalka Alshabaab
 

Isniin, November, 28, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Jubbaland, Wasiirka Difaaca Soomaaliya, iyo taliyaha ciidamada xoogga Sareeye Guuto Odowaa Yusuf Raage, ayaa maanta magaalada Kismaayo uga qeyb galay dhoolotuska ciidamo huwan ah oo loo diyaariyay inay qaadaan howlgal Alshabaab looga xoreynayo deegaannada Jubbaland.

Madaxwene Axmed Madoobe ayaa sheegay in aysan reer Hiiraan ku fiirsan karin culayska ay Alshabaab saareen, wuxuuna sheegay Jubbaland inay tahay meesha Alshabaab saldhiggoodu yahay oo ay kasoo abaabulaan weerarada gobolada kale lagu waxyeeleeyo.

“Laf-dhabarta Shabaabku waa gobolkeenna. Waxaan rajeynayaa saaxiibadeenna reer Hiiraan iyo gobolada kale ee culaysku ku dhacaya, in markaan bilowno uu culays badani kasoo dagidoono, lana isugu imaandoono halkaan oo lagusoo afjaridoono, qabuurahoodana uu noqondoono, “ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe waxa uu madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cbdi Barre ku ammaanay sida ay uga go’an tahay la dagaalanka iyo cirib tirka kooxda Alshabaab.

Dhawaan ayay ahayd markii guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Cismaan Jeyte uu ku dhaliilay maamul goboleedka inay ku fiirsadeen maamulka Hirshabeelle  dagaalka ay kula jiraan kooxda Alshabaab.