4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 28, 2022
Madaxweynaha Jubbaland oo booqday ciidan loo diyaariyay la-dagaallanka al Shabab

Isniin, November, 28, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, wasiirka gaashaandhigga Cabdulkhadir Maxamed Nuur iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odowaa Yusuf Raage, ayaa maanta booqday ciidamada qalabka sida ee loo diyaariyay howlgalka dhawaan ka bilaabanaya deegaannada Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in al Shabab looga adkaaday dagaallada ka socda gobollada dalka, gaar ahaan Hiiraan, Galgadud iyo Shabellaha dhexe, isla markaana deegaannada maamulka Jubbaland ay ka bilaaban doonaan howgallo cusub. Wuxuu intaasi raaciyay in ciidanka loo diyaariyay la-dagaallanka al Shabab ay ka koobanyihiin qeybaha kala duwan ee ciidamada maamulka.

Axmed Maxamed Islaam, ayaa hoosta ka xariiqay in marka deegaannada laga saaro al Shabab ay diyaar yihiin hay’adihii la wareegi lahaa sida nabad sugida iyo booliska si loo soo celiyo nidaamka iyo kala dambeynta.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odowaa Yusuf Raage, ayaa soo dhoweeyay diyaarinta ciidanka cusub ee bilaabi doona dar-dargelinta howgallada ka dhanka ah al Shabab ee Jubbaland.

Madaxda ma aysan shaacinin tirada ciidanka iyo halka uu ka bilaaban doono howgallada, maadaama al Shabab ay gacanta ku hayaan deegaanno badan oo ka tirsan saddexda gobolka ee maamulka Jubbaland.