4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 28, 2022
Saraakiisha Galmudug oo ka hadlay odayaal nabadoono ah oo u goostay Alshabaab

Isniin, November, 28, 2022 (HOL) - Cabdulahi Cabdi oo katirsan saraakiisha amniga Galmudug ee deegaanka Qaayib ayaa sheegay in odayaal tuhun looga qabay inay xiriir laleeyihiin Alshabaab ay shalay si toos isugu dhiibeen Alshabaab.

Odayaashaan oo la sheegay inay ka baxeen degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa la ogaaday inay gaareen degmada Xarar dheere oo kamid ah deegaannada ay gacanta ku hayaan kooxda Alshabaab.

Cabdulahi Cabdi wuxuu sheegay in habeen hore odayaashaan oo ahaa saddex nabadoon oo kasoo jeeda degmada Cadaado ay dhuunteen islamarkaana laga war helay iyagoo ku sugan magaalada Camaara.

“Nimankan cid dirsatay maleh, odayaasha qabiilkay ahaayeen. Waa laga shakisanaa., hal mar ayay guureeyeen oo goosteen, Lamana  dirsan. Waa niman iska tagay. Safka Khawaarijta ayay saacaddan laga billaabo ku jiraan,” ayuu yiri sarkaalkan.

Shalay ahayd markii warbaahinta laga sheegay in odayaal ka tagay Baxdo ay gaareen deegaannada Alshabaab, iyagoo halkaas u tagay si ay Alshabaab ugasoo sii daayaan dad u afduubnaa, hase ahaatee maamulka Galmudug ayaa bneeniyay.