4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 27, 2022
Faahfaahin kasoo baxaysa weerar Alshabaab ay ku qaadeen hotel madaxtooyada ku dhow
 

Axad, November, 27, 2022 (HOL) - Wasiir amniga dowladda Soomaaliya, Maxamed Axmed Sh. Cali Doodishe ayaa sida aan xogta ku helnay ku dhaawacmay weerar qarax ku bilowday oo haatan ka socda hotel Villa Rose oo kuyaala aagga madaxtooyada Soomaaliya.

Rag hubaysan oo katirsan kooxda Alshabaab ayaa gudaha u galay hotelka, halkaas oo la sheegay inay weli ka dhex dagaalamaayan, waxaana xilliga weerarku bilowday ku sugnaa hotelka masuuliyiin katirsan dowladda, siyaasiyiin iyo ganacsato.

Wasiirka amniga ayaa isagoo qaba dhaawac lagasoo badbaadiyay hotelka. Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya inay hotelka ku go’doodsan yihiin masuuliyiin kale oo xildhibaano u badan.

Afhayeenka ciidanka booliiska, Saddiiq Duudishe ayaa war kooban ku sheegay in ciidamada dowladdu ay wadaan howlgal lagusoo afjarayo kooxda weerarka geysatay, si loosoo badbaadiyo masuuliyiin iyo shacab hotelka ku sugan.

Illaa iyo hadda lama sheegi karo khasaraaha ka dhashay weerarkan oo ay sheegteen masuuliyadiisa ururka Alshabaab.

Hotelka la weeraray ayaa kuyaala goob ammaankeeda aad loo ilaaliyo. Wuxuu dhabarka ku hayaa madaxtooyada Soomaaliya, sidoo kale wuxuu aad ugu dhow yahay godka Jilacow.

Lama filayn in Alshabaab weerar caynkaan ah ay ka geysan karaan goob sidaas madaxtooyada ugu dhow, oo aan loo ogolayn gaadiidka shacabka.