4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 27, 2022
Sheekh Aadan Sunne oo sheegay in diimo shisheeye lagu faafiyo Somaliland
 

Axad, November, 27, 2022 (HOL) - Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne), ayaa ku andacooday in hay'addo shisheeye ay Somaliland ku faafinayaan diinta Masiixiga.

Waxa uu sheegay in waxyaabihii ay xukuumada Somaliland isku qaniineen ay kamid ahayd, la dagaalanka laba hay'addood oo reer galbeed ah kuwaasi oo daganaa Hargaysa iyo agagaar keeda, isla markaana diimo baadila faafinayay.

"Laba sannadood ayaanu dacwad ku jirnay, waxaanu soo bandhignay dhukumantiyadii iyo baybaladii ay faafinayeen, iyo dadkii ay la kulmeen oo markhaati ah, anagu waanu u dhib mudanay... markii maxkamada la i keenay waxa la yidhi wadaadkan waxa laga kari laayahay hay'addaha waddanka u jooga safamalka " ayuu yidhi Aadan Sunne.

Waxa uu ku andacooday in hay'addaha faafiya diimaha shisheeye, ay gacanta ku dhigeen nidaamka tacliinta Somaliland, oo ay qorshaynayaan in degmo kasta iyo gobolkasta oo Somaliland kamid ah ay ku lug yeeshaan.

Aadan Sunne oo ka qaybgalay shir ay lahaayeen culimada ugu waa wayn kooxda Al-Shabaab, ayaa sheegay in laga tashanayay gaalo uu sheegay in ay Soomaaliya Masiixiyad ku faafinayaan, iyo Soomaali soo dhawaysay oo iyaguna la xukun ah sida uu sheegay.

Sheekh Aadan Sunne oo hore uga mid ahaa culimada Somaliland, ayaa bishii 3aad ee sannadkan si dhuumasho ah Somaliland uga baxay, kadibna sheegay in uu ku biiray kooxda Alshabaab.

Aadan Sunne ayaa intii uu Somaliland joogay soo maray xabsiyo kala duwan iyadoo xukuumadu ku eedaysay in uu faafiyo fikiro argagixisonimo.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]