4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 27, 2022
Wiil dhalinyaro ah oo lagu dilay magaalada Hargaysa
 

Axad, November, 27, 2022 (HOL) - Nin kasoo jeeda qoomiyada Oromada, ayaa xalay feedh jilib ku dilay wiil 22 sanno jir ah, dilka ayaa ka dhacay afaafka hore ee Guuleed Hotel ee magaalada Hargaysa.

Warbixin lagu daabacay boga Facebook ee Booliiska Somaliland, ayaa lagu sheegay in ciidanku ay ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigaan eedaysanaha, loo haysto dilka wiilka dhalinyarada ah.

"Ciidanka Booliska JSL  ayaa caawa gacanta ku soo dhigay eedaysane Ifsa Axmed Shariif oo ku eedaysan ina uu dilay Aamiin Siciid Sidiiq oo 22 jir ah, eedaysanahan oo ka soo jeeda qoomiyada Oromada ayaa ku eedaysan in uu ku dilay marxuumka feedh jilib uu ku dhuftay, dilkan ayaa ka dhacay Huteel Guuleed ee magaalada Hargeisa hortiisa".

Ciidanka ayaa sheegay in ninka dilka gaystay uu ka baxsaday goobta uu dilka ku gaystay, kadibna lagu soo qabtay howlgal ay ciidamada booliisku fuliyeen.

Ugu danbayn booliiska ayaa digniin siiyay cidkasta oo isku dayda in ay ku kacdo fal amni daro ah, dhinaca kalena, shacabka ayay uga mahadnaqeen wadashaqaynta.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]