4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 26, 2022
Abaaraha ka jira Soomaaliya oo keenay in kumanaan Soomaali ah ay qaxooti cusub ku noqdaan xerada Dhadhaab
 

Sabti, November, 26, 2022 (HOL) - Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee dalka Kenya waxaa weli ku sii qulqulaya qaxooti cusub oo ka yimid Soomaaliya, taas oo ay ugu wacan tahay abaarha iyo colaadaha ka jira Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin cusub oo kasoo baxday hay'adda UNHCR.

24,693 qof ayaa la aqoonsaday todobaadkii hore inay yihiin dad cusub oo ka yimid Soomaaliya, kuwaas oo u baahan gargaar bini'aadantinimo oo degdeg ah - badankoodu waxay ahaayeen haween iyo caruur.

UNHCR iyo hay'adda qaxootiga Denmark ee DRC, oo iskaashanaya ayaa diiwaan galiyay in ka badan 24,000 oo qaxooti cusub ah oo galay Dhadhaab usbuucii hore, kuwaas oo dhamaantood lagu qiyaasay inay Soomaaaliya uga soo hayaameen xaaladdaha bini’aadanimo ee ka jira halkaas.

UNHCR waxa ay rajaynaysaa in tirada guud ee qaxootiga cusub ee Soomaaliya uu gaari doono 121,300 marka la gaaro Abriil 2023.

"DRC waxay aad uga walaacsan tahay baaxadda baahiyaha bani'aadamnimo. laakiin waa in aan u diyaargarownaa in aan gargaar siino in ka badan 100,000 qof oo cusub oo ku sugan Dhadhaab marka la gaaro Abriil 20233 mana haysanno hadda dhaqaale aan ku taageerno culeyskan kordhay," ayuu yiri Simon Nzioka, Madaxa DRC Kenya.