4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 24, 2022
Hanti-dhowrka guud iyo guddiga barlamaanka ee miisaaniyadda oo ka wada hadlay la xisaabtanka hay’adaha dowladda

Khamiis, November, 24, 2022 (HOL) - Hanti-dhowrka guud ee Qaranka, Maxamed Maxamuud Cali Afgooye ayaa kulan la qaatay guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, qorsheynta, iyo iskaashiga caalamiga ah iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda ee baarlamaanka.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa warbixin kooban oo ku saabsan waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee ka soo baxay warbixin sanadeedka 2021-ka uu hanti dhowrku la wadaagay guddiyada maaliyadda ee golaha Shacabka.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafa guray dardar gelinta dadaallada lagu saxayo qaladaadka uu soo bandhigay Xafiiska Hanti dhowrka guud iyo doorka guddiga Maaliyadda ee la xisaabtanka hay’adaha dowladda ee sida gaarka ah ay khuseyso warbixinta.

Maalmo kahor ayay ahayd markii  Xafiiska Hantidhowrka uu shaaciyay warbixin sanadeedka dakhliga iyo dhaqaalaha iyo habka ay u maamuleen hay’addaha dowladda.

Warbixinta oo ka kooban 238 bog waxaa lagu soo bandhigay faahfaahinta baaritaan dhaqaale oo lagu sameeyay 29 hay’addaha dowladda ah iyo labo safaarad oo ay Soomaaliya ku leedahay dibedda.

Baaritaankaas ayaa muujiyay dhaqaale loo maamulay hab shaki leh oo aan caddeyn, sida heshiisyo dhaqaale oo aan la caddeyn, lacago lagu shubay bangi aan ahayn kii dowladda, iyo xisaab xir aan isu-dheellitirnayn. Khaladaadkaas maaliyadeed waxay dhaceen sanadkii 2021dii.