11/29/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 24, 2022
Dowladda oo guulo ka sheegtay dagaalo culus oo ka dhacay deegaanka Ceeldheere Buraale
 

Khamiis, November, 24, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalo culus oo ku dhexmaray deegaanka Ceeldheere Buraale ciidamada dib u xureynta deegaanka oo garab ka helaya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalada ka dhacay deegaanka Ceeldheere Buraale oo ku yaala xaduuda gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa la sheegay iney ahayeen kuwa qaatay in ka badan 4 saacadood oo xiriir ah, kaasoo bilaawday kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar culus ku qaadeen fariisimo deegaankaasi ku leeyihin ciidamada dib u xureynta deegaanka iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane oo la hadlay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in ciidamada iskaashanaya ay iska caabiyeen weerar kaga ymid Shabaab, islamarkaana dagaalka ay ku dileen 20 ka mid ah dagaalamayaashii Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Wuxuu sidoo kale sheegay guddoomiyaha degmada Maxaas oo mudooyinkii dambe ku sugnaa furimaha ay ka socdaan dagaalada ka dhanka ah Shabaab in Maanta ay soo bandhigi doonaan meydadka xubnaha Shabaab looga dilay weerarkii ay shalay ku qaadeen deegaanka Ceeldheere Buraale oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Waa markii labaad oo 24 saac gudahood Al-shabaab weerar ku qaadaan fariisinka ciidamada isgarabsanaya ay ku leeyihiin deegaanka Ceeldheere oo ku yaala xaduuda ay wadaagaan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.












Click here
11/24/2022 10:53 AM EST
Khamiis, November, 24, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray deegaanka Nuur-dugle ee Hirshabelle oo ka mid ah goobaha ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka oo iskaashanaya ay ka xoreeyeen Alshabaab.

11/24/2022 10:43 AM EST
Khamiis, November, 24, 2022 (HOL) - Hanti-dhowrka guud ee Qaranka, Maxamed Maxamuud Cali Afgooye ayaa kulan la qaatay guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, qorsheynta, iyo iskaashiga caalamiga ah iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda ee baarlamaanka.

11/24/2022 9:38 AM EST
Khamiis, November, 24, 2022 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Maqalle ee gobolka Tigray gaaray Ergayga gaarka ah ee Midawga Afrika u qaabilsan Geeska Afrika Olusegun Obasanjo, iyadoo halkaas uu ku soo dhaweeyay Hoggaamiyaha TPLF ahna Madaxweynaha degaanka Tigray Debretsion G/Michael.

11/24/2022 8:36 AM EST
Khamiis, November, 24, 2022 (HOL) - Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya oo uu shir guddoomiyey Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey laba Hindse Sharciyeed oo kala ahaa Qaraar la xiriira deegaannada laga xorreeyay Kooxda Shabaab iyo soo jeedinta magacaabista guddoomiye ku xigeenka cusub ee Bangiga Dhexe.

11/24/2022 2:42 AM EST
Khamiis, November, 24, 2022 (HOL) - Golaha Midowga Afrika (AU) ayaa kulankiisii 1121-aad, ee la qabtay 11-kii bishaan November 2022, ku tixgaliyay codsi ka yimid Dowladda Soomaaliya ee ah dhimista ciidamada ATMIS.

11/24/2022 1:23 AM EST
Khamiis, November, 24, 2022 (HOL) - Ugu yaraan 12 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalena waa lagu dhaawacay kaddib dagaallo ay ciidamada Kenya la galeen kooxda Alshabaab.