4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 23, 2022
Todobo qof oo ku dhintay weerar toogasho ah oo ka dhacay Maraykanka
 

Arbaco, November, 23, 2022 (HOL) - Ugu yaraan todobo qof ayaa dhimatay kadib markii nin hubeysan uu rasaas ku furay dukaan ku yaalla magaalada Chesapeake, ee gobolka Virginia ee dalka Mareykanka, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.

Ninkan oo la rumeysan yahay inuu ahaa maareeyaha dukaanka caanka ah ee Walmart, ayaa rasaasta furay ka hor inta uusan isagu is dilin.

Dhowr qof oo kale ayaa ku dhaawacmay rasaasta.

Ujeedada ninka weerarka geystay weli cadda.

Afhayeenka booliska Leo Kosinski ayaa sheegay in toogashada la rumeysan yahay inay ka dhacday gudaha dukaanka Walmart, isla markaana tuhmanuhu uu keligiis falka geystay.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya maalmo un kadib markii nin hubeysan uu rasaas ku furay goob lagu caweeyo oo ku taal gobolka Colorado ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu ku dilay shan qof, 17 kalena ay ku dhaawacmeen.

Sannadkii 2019-kii, toogasho wadareed ka dhacday Walmart oo ku yaal magaalada El Paso ee gobolka Texas waxaa ku dhintay 23 qof.