4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 23, 2022
Xukuumadda Somaaliya oo sheegtay in 600 Al-shabaab ah lagu dilay howlgallo lagu xoreeyay 68 deegaan
 

Arbaco, November, 23, 2022 (HOL) - Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay tiro ka badan 600 dagaalame oo katirsan AlShabaab in lagu dilay, sidoo kalena 1,200 lagu dhaawacay howlgallada ciidamada xooggu ku xoreeyeen in ka badan 68 deegaan.

Warbixin kasoo baxday xafiiska raysal wasaaraha oo looga hadlayay waxqabadka boqolka maalmood ee xukuumadda, ayaa lagu sheegay, inay dowladdu ku guulaysatay in ciidan ahaan, dhaqaale ahaan iyo fikrad ahaanba loola dagaalamay Alshabaab.

Xukuumadda Soomaaliya waxay sheegtay in la xasiliyay deegannadii laga saaray Alshabaab, islamarkaana la gaarsiiyay adeegyadii bulshada. Sidoo kalena dayactir lagu sameeyay ceelashii ay Alshabab burburiyeen.

Waxay xukuumaddu sheegtay in markii ugu horreysay la mideeyay aragtida culimada Soomaaliyeed ee ku aadan dagaalka ka dhan ah Alshabab, sidoo kalena xukuumaddu waxay sheegtay in lagu guulaystay in Alshabaab laga xayiro barihii ay ku faafin jireen dacaayadooda.

Inkastoo dowladdu sheegtay in guulo laga gaaray Alshabaab, haddana howlgalladii dib u xoraynta ayaa hakad ku yimid, taasoo keentay in Alshabaab ay helaan fursad ay isku urursadaan.

Siyaasiyiin horey xilal u soo qabtay ayaa sidoo kale ku dhaliilay dowladda in qorshe la’aan looga soo baxo deegaanno muhiim ah oo Alshabaab laga xoreeyay, waxayna sheegeen in arrintaas ay dhaawacayso kalsoonida howlgalka dib u xoraynta.