4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 23, 2022
Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya oo sheegtay inay jawaab kasoo saaridoonto warbixintii hanti-dhowrka
 

Arbaco, November, 23, 2022 (HOL) - Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay jawaab ka bixin doonto warbixintii uu Hanti-dhowrka guud ee Qaranka ee sida tooska ah warbaahinta looga sii daayay.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda maaliyadda oo lagu daabacay boggeeda twitter ayaa lagu sheegay in iyadoo la ixtiraamayo madax-bannaanida Xafiiska hanti-dhowrka ay wasaaraddu akhrin doonto warbixinta, jawaab ku habboona bixindoonto.

Shalay ayay ahayd markii uu hantidhowrku soo saaray warbixin dheer oo ku saabsanayd malaayiin dollar oo isugu jiray deeq iyo deyn ay qaadatay, taas oo aan la ogayn meel ay ku dambeysay, iyo sida loo isticmaalay.

Hanti-dhowraha waxa uu ku eedeeyay 29 hay’addood oo dowladda katirsan iyo saddex safaaradood inay ku lug leeyihiin lacago la isticmaalay oo aan marin hannaaanka saxda ee maamulka iyo maaliyadda dalka.