12/1/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 22, 2022
TPLF oo sheegtay in Ciidamadoodu aysan hubka dhigayn ilaa dammaanad buuxda ay ka helayaan shacabka Tigray
 

Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Madaxda TPLF ayaa mar kale ka dhawaajiyay inaysan Ciidamadoodu hubka dhigayn ilaa dammaanad buuxda oo dhinaca ammaankooda ay ka helayaan shacabka gobolka Tigray ee ay iyagu maamulaan.

Afhayeenka TPLF Getachow Reda ayaa shir jaraa'id oo maalintii shalay ahayd qabtay waxa uu ku sheegay in shacabka gobolka Tigray ay u baahan yihiin cid sugta amnigooda, maadaama wali dhulka Tigray ay ku sugan yihiin Ciidamada Eritariya iyo kuwa degaanka Axmaarada, sidaasi darteedna aysan TPLF hubka laga dhigayn ilaa shacabka Tigray amnigooda laga dammaanad qaadayo, waa siduu hadalka u dhigay Afhayeenka TPLF.

Horey TPLF waxay ka biyo diiday joogitaanka Ciidamada Eritariya iyo kuwa degaanka Axmaarada, oo ay joogitaankooda ku xidhay hub ka dhigista TPLF.

Arrinka hub ka dhigista TPLF ayaa qayb ka ahaa qodobadii dhawaan heshiiska ay ku gaareen TPLF iyo dowladda Itoobiya, waxaanad moodaa arrintaasi mid wiiqi karta heshiiskaas maadaama TPLF ay hub ka dhigisteedii ku xidhay inay Eritariya ka baxdo dhulkeeda, dowladda Itoobiyana aysan ka wali ka hadlin joogitaanka Ciidamada Eritariya ee dhulka Tigray.












Click here
11/22/2022 1:25 PM EST
Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Cadow Uul oo ka mid ah deegaanadda hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in galinkii dambe ee Maanta halkaasi lagu dilay Nabadoon Mukhtaar Axmed Maxamed.

11/22/2022 10:12 AM EST
Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Xulka Qaranka Sacuudi Carabiya ayaa Maanta muujisay wacdaraha Koobka kubadda Cagta Aduunka oo haatan ka socda wadanka Qatar, kadib guul taariiqi ah oo Maanta Caalamka oo idil laga hadal haayo oo ay ka gaareen Xulka Qaranka Argentina.

11/22/2022 9:22 AM EST
Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Wararka haatan naga soo gaaraya deegaanka Ceeldheere oo ku yaala xaduuda ay wadaagaan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in daqiiqado kooban ka hor uu halkaasi ka bilawday dagaal aad xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dib u xureynta deegaanka iyo Ururka Al-shabaab.

11/22/2022 5:22 AM EST
Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Deynuunaay oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in Maanta uu halkaasi dagaal culus ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo dhinac iyo kuwa Al-shabaab.

11/22/2022 5:14 AM EST
Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Hanti dhowraha guud ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo saaray warbixin sannadle ah oo ku saabsan daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka maaliyadeed ee hay’addaha dowladda.

11/22/2022 4:38 AM EST
Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Dagaal sababay dhimashada 3 askari iyo ugu yaraan dhaawaca 8 kale, ayaa degmada Buuhoodle ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo Puntland.

11/22/2022 2:17 AM EST
Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay kooxo hubeysan ugu geysteen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir mid ka mid ah siyaasiyiin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xuseen Sabriye oo loo yaqaanay Guuleyste.

11/22/2022 1:21 AM EST
Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Nin hubeysan oo katirsan Alshabaab oo gudaha u galay xero ciidan, ayaa dilay ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS.